Dheecaan laga soo daayo qeybta dabne ee qanjirka maskaxda taas oo kicisa kilida si ay u dheelitirto cusbada jirka iyo maadada (unrine) ee kaadi ahaan jirka looga saaro. Lamid ah vasopressin.
Waa hormoon uu sameeyo maskaxda (hypothalamus), waxaana sii daaya qanjirka pituitary-ga. Shaqadiisu waa in uu yareeyo kaadida si jirku u ilaashado biyaha iyo dheellitirka dareeraha.