Maado ka dhigta hawada mid aan wax baabin sida hawada jirka ku jirta iyo mida cuntada ku jirta oo looga ilaaliyo in ay cuntada halaawdo siiba mida sajalaateesan.
Waa walax dabiici ah ama kiimiko ahaan la farsameeyay oo leh awood ay ku joojiso ama ku gaabiso falcelinta oksaydhka (oxidation), iyada oo xakameyneysa ama baabi’ineysa xagjir-oksijiineedka (free radicals). Xagjir-oksijiineedku waa unugyo kiimiko oo xad-dhaaf ah oo sababi kara dhaawac unug, borotiin iyo DNA ah, taas oo door ku leh bilowga iyo horumarka cudurro badan oo dabadheeraada ah.
Antioxidants-ku waxay si gaar ah muhiim ugu yihiin:
- Ilaalinta caafimaadka unugyada.
- Ka hortagga cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.
- Yaraynta khatarta cudurrada kansarka.
- Ilaalinta neerfaha iyo ka hortagga cudurrada maskaxda la xiriira sida Alzheimers.
Ka-hortage Oksaydh -- Antioxidant