Hordhac
Burkiitada waa caabuqa ama bararka tuuboyinka hawada ee sambabbada (bronchial tubes), kuwaas oo hawada u gudbiya sambabbada. Burkiitada carruurta ayaa si gaar ah u soo badanaya xilliyada qabowga ama roobka, waana xilli uu si sahlan ugu fido caabuqa neef-mareenka hoose.
AI ayaa lagu sameeyay sawirka
Maxaa Sababa Burkiitada Carruurta? (Etiology)
In ka badan 90% kiisaska Burkiitada carruurta waxaa sabab u ah caabuq ka yimaada fayras.
Fayrasyada ugu badan ee keena Burkiitada waa:
- RSV (Respiratory Syncytial Virus)
- Fayraska Hargabka (Influenza)
- Parainfluenza
- Adenovirus
- Metapneumovirus
Waxaa sidoo kale jiri kara sababo kale oo ay ka mid yihiin:
- Bakteeriyada (waa dhif iyo qaliil).
- Sigaar-cabbista iyo qiiqa guryaha (xasaasiyad ka dhalata).
- Hawo qabow ama wasakhaysan.
- Xanuunada ku dhaca neef-mareenka sida xiiq-dheerta.
Sida uu Cudurku u Dhaco (Pathophysiology)
Fayraska ayaa sababa barar ku dhaca gidaarka tubada hawada, taasoo keenta:
- Aruurid xad-dhaaf ah oo xab (mucus) ah.
- Xirnaansho ama ciriiri ku yimaada tubada hawada.
- Cuncun iyo suus-mareen sababa qufac
Calaamadaha iyo Astaamaha Burkiitada Carruurta
- Qufac joogto ah (mararka qaar qufac malax leh).
- Neefsasho dhib ku ah, guux ah (wheezing).
- Xanuun laga dareemo laabta.
- Xumad yar ama dhex-dhexaad ah.
- Daal, hurdo la’aan.
- San xirmay ama diif ka socda.
- Nafaqo-xumo (gaar ahaan dhallaanka).
Carruurta yaryar (<2 sano) waxaa lagu arkaa:
- Neefsasho degdeg ah (tachypnea).
- Nuugista naaska oo dhib ku noqota.
- Kic-kicid iyo oohin badan.
Sidee Loo Ogaadaa? (Diagnosis)
Kiisaska ugu badan waxaa lagu ogaan karaa kaliya iyadoo la dhegeysto waxbixinta bukaanka ama waalidkiisa iyo baadhitaan jireed (physical exam).
Waxaa xoogga la saara:
- Dhagaysiga sambabada (stethoscope) – cod guux ah (wheezing) ama ruxmaya (rhonchi).
- Chest X-ray – haddii loo baqayo cudur kale sida infakshanka sanbabada (sida: pneumonia).
- Cibirida ogsijiinka jirka (Pulse oximetry) – si loo ogaado cabirka ogsijiinta dhiigga heerkiisa.
- Baaritaano dheeraad ah – haddii ilmaha uu yahay mid nugul ama la jiifinaayo isbitaalka.
Daawaynta Burkiitada Carruurta
Kiisaska intooda badan waa kuwo iskooda u bogsada 7–14 maalmood gudahood.
1. Daryeel Guriga Lagu Bixiyo
- Nasasho iyo hurdo kugu filan
- Biyo badan ama dareere kale si jirka qoyaan u yeesho
- Uumi-baxin (humidifier) gudaha qolka ilmaha
- Caano kulul ama maraq si loo dejiyo hunguriga
2. Daawooyinka La Isticmaalo
- Dawada xumadda: Paracetamol ama ibuprofen.
- Inhaler bronchodilator: Haddii uu jiro cod guux ah (wheezing).
- Antibiotics: Kaliya haddii la hubo inay bakteeriya tahay.
- Cough syrup: Looma oggola carruurta yar (gaar ahaan ka yar 6 sano), la tasho dhakhtar.
Ka Hortagga Burkiitada
- Ka ilaali carruurta qiiqa sigaarka, hawo qabow, iyo hawo wasakheesan.
- Baro inay dhaqaan gacmaha, si loo yareeyo fayo-qabka.
- Xiliga qabowga u gali funaanad dhaxan, si qabowda ugu difaacdo.
- Marwaxada ka fogeey xiliyada kuleylka ah, ka dami xiliyada qabowga ah.
Goorma loo baahan yahay dhakhtar ama isbitaal?
- Neefsasho kacsan ama degdeg ah.
- Xumad ama qandho sareysa.
- Midabka baluuga ah aad ku aragto laabta ama faraha.
- Cunto diidmo ama biyo diidmo.
- Calaamado fuuqbax: af engegan, saxaro yar, kaadi la’aan.
- Ilmaha da’yar oo aan 3 bilood gaarin oo leh calaamado neef-mareen sida neefta oo dhibta.
Gunaanad
Burkiitada carruurta ayaa ah jirro soo noqnoqota xilliyada qabow ama roobka. Inta badan waa fayras, wuxuuna ku dhammaan karaa taageero daryeel oo guriga lagu bixiyo. Wacyigelinta waalidiinta waxay yarayn kartaa isticmaalka daawoyinka aan loo baahnayn ee qalajiyaha ah iyo kordhinta fahamka waqtiyada cunugu uu ugu nugul yahay jirrada.