Skip to Content

Cagaarshow (Hepatitis): Muxuu yahay, Yaa u nugul, Sidee lagu ogaadaa, iyo Maxaase lagu daaweeyaa.


Hordhac


Waa Maxay Cagaarshow?

Cagaarshow waa caabuq ama barar ku dhaca beerka (liver), oo ay sababaan fayrasyo kala duwan, daawooyinka oo mudo dheer la'iska isticmaalo, khamriga la cabo, ama xitaa difaaca jirka oo khalad u shaqeeya. Beerku waa xubinta sifeysa dhiigga,  kaydisaa nafaqooyinka jirka, una sameysa jirka tamarta ama awwod — markuu cudur ku dhaco, hawshaasi way daciiftaa.

Noocyada Cagaarshow-ga (Classification/Types)


Cagaarshow waxaa loo kala saaraa dhowr nooc:

 1. Cagaarshow A (HAV):

  • Waxaa keena Fayras-ka Cagaarshow A.
  • Ku faafo iyadoo qofku cuno cunto ama cabitaan wasakhaysan.
  • Badanaa waa mid iskiis u bogsada (self-limiting).

2. Cagaarshow B (HBV):

  • Waxaa keena Fayras-ka Cagaarshow B.
  • Wuxuu ku faafaa ama lagu kala qaadaa dhiigga, shahwada, ama dheecaannada kale ee jirka.
  • Wuxuu noqon karaa mid joogto ah (chronic), gaar ahaan carruurta yar marka ay ku dhacdo.

3. Cagaarshow  C (HCV):

  • Waxaa keena Fayras-ka Cagaarshow C.
  • Wuxuu ku faafaa ama lagu kala qaadaa dhiigga (tusaale: irbado la wadaagay).
  • Wuxuu noqon karaa mid joogto ah oo keena cudurka cirrhosis ama kansarka beerka.

4. Cagaarshow D (HDV):

  • Kaliya wuxuu ku dhici karaa qof hore u qabay Cagaarshow B.
  • Waa mid halis badan.

5. Cagaarshow E (HEV):

  • Waxaa keena Fayras-ka Cagaarshow E.
  • Ku faafo cunto iyo biyo wasakhaysan.
  • Halista ugu badan waxay u nugul haweenka uurka leh.

Sababaha (Etiology)


Sababaha (Etiology)

  • Fayrasyada (A, B, C, D, E): Waxaa keena fayrasyada kala ah A, B, C, D, & E.
  • Alcohol – Cabida khamriga wuxuu keenaa Cagaarshow-ga .
  • Daawooyin qaar (Tus., Paracetamol oo in badan oo la qaato).
  • Cudurrada difaaca jirka (Autoimmune hepatitis): Waa marka difaaca jirkaaga uu daawaco beerkaaga.
  • Sunta warshadaha ama cayayaanka waxey keenaan sidoo kale cudurka Cagaarshow.

Faafitaanka & Tirakoobka (Epidemiology)


Cudurkaan faafidiisa waa ay fududaatay oo

  • WHO (2023): Waxey sheegtay In ka badan 350 milyan qof ayaa qaba Cagaarshow B ama C.
  • Cagaarshow A & E: waxey ku badantahay wadamada dakhliga hooseeya ee nadaafaddu ku yar tahay.
  • Cagaarshow B & C: waa halista ugu weyn ee keynta kansarka beerka.

Yaa u Nugul Cagaarshow-ga?


Carruurta yaryar (sida HBV haddii aan la tallaalin).

Dadka isticmaala cirbado horey loo isticmaalay ama qof cudurka (HCV) qaba la wadaaga .

Shaqaalaha caafimaadka sidoo kale halis bey ugu jiraan (cudurada HBV iyo HCV).

Haweenka uurka leh waxey u nugul yihiin cudurka (HEV).

Waxaa kaloo u nugul cudurka cagaarshow-ga dadka safar ku taga meelaha fayrasku ku badan yahay.

Sida Loo Ogaado (Diagnosis)


  • Blood tests (Serology): baaritaankaan waxaa dhiiga laga baaraa fayrasyada Cagaarshow-ga.
  • Liver Function Tests (LFTs): baaritaankaan waxaa lagu cabbiraa heerka burburka beerka.
  • PCR: Lagu ogaanayo fayraska hido sidahiisa(RNA or DNA).
  • Ultrasound / Elastography: kumbuyuutarka uur ku jirta ayadana lagu qiimeeyo xaalada beerka.
  • Biopsy: in cad la soo gooyo haddii loo baahdo in si gaar ah loo baaro dhaawaca beerka.

Daawaynta / Maaraynta (Treatment & Management)


Cagaarshow A & E:

  • Badanaa ma jiraan daawo gaar ah – nasasho, biyo badan cab, iyo cunto fiican.

Cagaarshow B:

  • Daawooyin lidka ku ah Fayras-ka (e.g., Tenofovir, Entecavir).
  • Ma ciribtiro cudurka guud ahaan, balse laakiin daawadu waxay xakameysaa fayraska.

Cagaarshow C:

  • Waa la daaweeyaa oo la baabi'in karaa cudurka si buuxda: Direct Acting Antivirals (DAAs) sida Sofosbuvir + Ledipasvir.
  • Waxaa lagu guuleesankaraa daawayntooda in kabadan boqolkiibaa sahgaashan iyo shan ( >95%).

Cagaarshow D:

  • Waa adag tahay in cudurka laga baab'iyo gabi ahaanba, 
  • Daaweynta Interferon-ka ma aha mid fudud, waxayna qaadan kartaa bilo, iyadoo ay suuragal tahay in bukaanku la kulmo dhibaatooyin sida daal badan, murugo iyo hurdo la’aan .

Autoimmune Hepatitis:

  • Daawooyin hoos u dhigaya difaaca jirka sida corticosteroids (Prednisone).


  F.G: ​Fadlan daawoyinka kor lagu soo sheegay ha qaadan ayadoon dhakhtar kuu qorin.

Rajada & Saadaasha Mustaqbalka (Prognosis)


Waxey noqonkartaa waa hadii:

  • Cagaarshow A & E: la daaweeyo In la helo bogsasho buuxda, laakiin HEV waxay khatar ku tahay Haweynka uurka leh.
  • Cagaarshow B & C: aan la daawayn waxey keeni karaan cuduro halis ah sida: cirrhosis iyo hepatocellular carcinoma (HCC) .
  • Si degdeg dhakhtar loola xirriiro: Ciyoon in cudurka la ogaado kadibna daaweyn horey looga bilaabo, waxay badbaadisaa nolosha.

Gunaanad


Cagaarshow waa cudur halis ah oo beerka waxyeeleyn kara haddii aan la ogaanin ama la daawayn. Tallaalka, nadaafadda, iyo baaritaanno joogto ah waa dariiqyada ugu wanaagsan ee looga hortago. Daawayn casri ah ayaa hadda la heli karaa, gaar ahaan Cagaarshow C oo si buuxda loo daweyn karo. Haddii aad dareento calaamado la xiriira cudurada beerka ama aad halis ugu jirto Cagaarshow, fadlan la xiriir dhakhtar.

Tixraacyo Cilmiyeed (Academic References)


  1. World Health Organization (WHO). Hepatitis – Key Facts. 2023
    https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/hepatitis
  2. Centers for Disease Control and Prevention (CDC). Viral Hepatitis.
    https://www.cdc.gov/hepatitis/index.htm
  3. UpToDate. Overview of Viral Hepatitis.
    www.uptodate.com
  4. Harrison’s Principles of Internal Medicine, 20th Edition. Chapter on Liver Diseases.
  5. Journal of Hepatology (2022). Global burden and trends of viral hepatitis.
  6. Mayo Clinic. Hepatitis B and C – Symptoms and Treatments.
    https://www.mayoclinic.org