Hordhac
Cudurka macaanka waa xanuun daba-dheer oo ku yimaada marka heerka sonkorta dhiigga (glucose) uu ka bato xadka caadiga ah, sabab la xiriirta jirka oo aan si fiican u isticmaalin insulin ama aan soo saarin insulin ku filan. Insulin waa hormoon ay soo saarto qanjirka pancreas, kaas oo caawiya in glucose-ka loo geliyo unugyada jirka si loogu isticmaalo tamar.
Marka insulin-ku shaqadiisa si fiican u gudan waayo, glucose-ku wuxuu ku sii jiraa dhiigga, taas oo keenta dhibaatooyin muddo dheer ah sida dhaawaca indhaha, kilyaha, wadnaha, iyo neerfayaasha.

AI ayaa lagu sameeyay sawirka
Noocyada Cudurka Macaanka
1. Nooca 1-aad (Type 1 Diabetes)
- Waxaa sababa jirka oo si khaldan u burburiya unugyada insulin-ka sameeya ee qanjirka pancreas.
- Badanaa wuxuu ku dhacaa carruurta iyo dhalinyarada.
- Dadka qaba waxay u baahan yihiin insulin maalin kasta.
2. Nooca 2-aad (Type 2 Diabetes)
- Waa kan ugu badan, wuxuuna badanaa ku yimaadaa dadka waaweyn ama kuwa cayilan.
- Jirka ayaa soo saara insulin, balse unugyada ayaa iska diida ama si liidata uga jawaaba.
- Waxaa lagu xakameeyaa isbeddel nololeed, daawooyin afka laga qaato, ama mararka qaar insulin.
3. Macaanka Uurka (Gestational Diabetes)
- Wuxuu ku dhacaa haweenka uurka leh, gaar ahaan 3-da bilood ee dambe.
- Badanaa wuu baaba’aa dhalmada kadib, balse wuxuu halis u yahay in uu noqdo nooca 2-aad mustaqbalka.
Calaamadaha
- Harraad badan (Daal ama oon joogto ah)
- Kaadida oo badata
- Miisaan lumis lama filaan ah
- Daal iyo Awood (tamar) yari
- Aragga oo daciifa
- Nabaro si gaabis ah u Reesta (bogsada)
- Cuncun ama dareen gubasho ah (gaar ahaan lugaha iyo gacmaha)
Sababaha iyo Halista (Causes and Risk Factors)
Yaa u nugul ama sababaha keena soo dadajiya cudurka:
- Cunto sonkor iyo dufan badan leh
- Miisaanka oo bata (cayil)
- Dhaqdhaqaaq la’aan jirka
- Dhaxal in qoyskaaga aad ka dhalatay ay xanuunka fir u leeyihiin
- Dhiig karka iyo kolestaroolka oo sareeya
Cawaaqibta (Complications)
Hadii aan la daaweyn ama daawada marna la qaato marna laga tago waxaa ka dhalan kara:
- Dhibaatooyinka kilyaha (Kidney failure)
- Indho la’aan (Retinopathy)
- Wadno xanuun (Heart disease)
- Kabaabyo-Lugaha oo dareen la’ (Neuropathy)
- Nabraha(Boogta) oo aan reesan(bogsan) (Foot ulcers)
Baaritaanka (Diagnosis)
- Fasting Blood Glucose (FBG): >126 mg/dl
- HbA1c: >6.5%
- Oral Glucose Tolerance Test (OGTT): >200 mg/dl 2 saacadood kadib

AI ayaa lagu sameeyay sawirka
Daaweynta iyo Maaraynta (Treatment and Management)
Daaweynta iyo xakameynta Macaanka waxey noqonkartaa
-
Cunto Habboon (Diet):
- Cun cunto isku dheelitiran, sonkor yar, fiber badan, iyo dufan hoose.
-
Jimicsi (Exercise):
- Socod, dabaal, ama ciyaar fudud ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta.
-
Daawo (Medication):
- Metformin (daawada ugu badan ee nooca 2-aad)
- Insulin (nooca 1-aad iyo xaalado culus)
-
Kormeer (Monitoring):
- Cabirka sonkorta dhiigga maalin kasta
- Kormeer sanadle ah ee indhaha, kilyaha, iyo wadnaha
Ka Hortagga (Prevention)
- Ilaali miisaanka
- Cun Cunto caafimaad leh
- Samee Jimicsi joogto ah
- Kormeer joogto ah oo caafimaad(6dii bilood hal mar braataan guud mar)
Gunaanad
Cudurka macaanka waa xaalad la xakameyn karo haddii qofku qaato nolol caafimaad leh, isticmaalo daawooyinkiisa, oo si joogto ah u la socdo heerka sonkorta. Ogaanshaha hore iyo wacyigelinta bulshada waa furaha ka hortagga dhibaatooyinka uu keeno.