Skip to Content

Faaliga (Stroke): Noocyada, Calaamadaha, Sababta, Baaritaanada,  Daaweynta iyo Ka Hortagga.

Hordhac


Waa Maxay Faaliga?

Faaliga waa xaalad degdeg ah oo caafimaad oo dhacda marka qulqulka dhiigga ee maskaxda uu istaago ama uu dillaaco xididka dhiigga qaada. Markay taasi dhacdo, unugyada maskaxda waxay bilaabaan inay dhintaan daqiiqado gudahood. Daaweyn degdeg ah ayaa muhiim ah si loo badbaadiyo nolosha iyo xasuusta qofka.


AI ayaa lagu sameeyay sawirka

Noocyada Faaliga


1. Faali Dhiig-xiran (Ischemic Stroke):

  • Waa nooca ugu badan.
  • Sababta: Xididka dhiigga maskaxda u qaada ayaa xirmaya (buro dhiig ama baruur).
  • Waxaa lagu magacaabaa Xidid Dhiig-xiran Maskaxeed.

2. Faali Dhiig-furan (Hemorrhagic Stroke):

  • Xidid maskaxeed ayaa dillaaca, dhiiggana maskaxda ayuu geliyaa.
  • Waxaa lagu magacaabaa Xidid Dhiig-furan Maskaxeed.
  • Badanaa waxaa sababa cadaadis dhiig sareeya (Hypertension).

Calaamadaha Hore ee Faali– AGHU


 Af-qalooc

Marka qofku dhoolla caddeeyo, hal dhinac ayaa hoos u dhaca.


 Gacanta oo dhacda

Markuu qofku gacmihiisa kor u qaado, mid ayaa hoos u dhacda ama aan xoog lahayn.


 Hadalka uu ku dhiba

Wuu hadli karaa si aan caddayn ama wuu isku dhex yaaci karaa.


 Ula xiriir si deg deg ah rug caafimaad

Ha sugin! Wac adeegga degdegga ah ama u geey xarunta caafimaad.



 Waqtiga Dahabka ah (Golden Hour): 

Faali Xidid Dhiig-xiran (Ischemic stroke) ah waxaa lagu daweyn karaa dawo dhiiga fura haddii la siiyo bukaanka 3 ilaa 4.5 saacadood gudahood.


Haddii waqtigaas laga dib dhaco, dhaawaca maskaxda wuxuu noqon karaa mid aan la celin karin.


AI ayaa lagu sameeyay sawirka

Maxaa Kordhiya Halista Faaliga?


 Dhiig karka (Hypertension)

 Sonkorowga (Diabetes)

 Sigaar cabidda

 Buurnida (obesity)

 Isticmaalka khamriga

 Dhaqdhaqaaq la’aan

 Dhaxal laga dhaxlo qoyska

Ka Hortagga Faaliga


 Cunto caafimaad leh oo dufanka yar

 Jimicsi maalinle ah

 Ka fogaanshaha sigaar iyo khamri

 La soco cadaadiska dhiigga iyo sonkorta

 Kormeer caafimaad oo joogto ah

Daryeelka iyo Soo kabashada Faaliga


Qofka la il daran Faali wuxuu u baahan yahay daaweyn joogto ah, caafimaad maskaxeed iyo mid jireed (physiotherapy).

Qoyska iyo bulshada waa inay taageero muuqata siiyaan si uu qofku uga soo kabto dhaawaca.

Gunaanad


Faaliga waa cudur halis ah oo aan la dhayalsan karin. Fahamka calaamadaha hore iyo ka falcelin degdeg ah waxay badbaadin kartaa maskaxda qofka iyo noloshiisa. Waxaad noqon kartaa farqiga u dhexeeya geeri iyo badbaado haddii aad aqoonsato calaamadaha oo aad si dhaqso ah ugu jawaabto.

Tixraacyada 


  1. Benjamin EJ, et al. Heart Disease and Stroke Statistics—2019 Update. Circulation. 2019;139:e56–e528.
  2. Powers WJ, et al. 2018 Guidelines for the Early Management of Patients With Acute Ischemic Stroke. Stroke. 2018;49:e46–e110.
  3. Feigin VL, et al. Global and regional burden of stroke during 1990–2010. The Lancet. 2016;383:245–254.
  4. O’Donnell MJ, et al. Global and regional effects of potentially modifiable risk factors. The Lancet. 2016;388:761–775.
  5. Hankey GJ. Stroke. The Lancet. 2017;389:641–654.