Skip to Content

Xanuunada Dhabarka iyo Lugaha (Sciatica): Sababaha, Baaritaanka, iyo Daaweynta Wax-ku-oolka ah

HORDHAC


 Xanuunka laf-dhabarka hoose iyo lugta (Sciatica) waa dhibaato caafimaad oo si weyn ugu faaftay bulshada, gaar ahaan dadka waaweyn. Xanuunkan wuxuu sababi karaa dareen gubasho,  kabaabyo, ama xanuun dhinac hal ama labada lug ba uga socda, mararka qaarna hoos ugu sii raaca ilaa ciribta.


AI ayaa lagu sameeyay sawirka

Waa Maxay Sababta Keenta Xanuunka Laf-dhabarka iyo Lugta?


Sababaha ugu Badan:

Carjawda  Saxanka Dhabarka oo Dhinac u Daadata (Lumbar Disc Herniation): Markuu saxanku (Carjawda) ka soo baxo booskiisa dhinacna u daato, wuxuu cadaadis saaraa xididka dareenka (nerve root), taasoo dhalisa xanuun.

Xidhnaanta Laf-dhabarka (Lumbar Spinal Stenosis): Waxay dhacdaa marka marinka dareemayaasha uu ciriiri noqdo – caadi ahaan dadka waayeelka ah.

Spondylolisthesis: Marka laf dhabartu isa saaran aya kala mid hore u sikatao (vertebra-ka sare uu ka horreeyo midka hoos), waxay keeni kartaa cadaadis dareeme.

Cudurka Murqaha Laf-dhabarka (Piriformis Syndrome): Murqaha dabada dhexdeeda ku yaalla oo cadaadis saaraya dareemaha sciatica.

Cudurrada Faraqa Lafaha (SI Joint Dysfunction): meesha ay iska galaan laf-dhabarka iyo miskaha ee faraqa lafaha miskaha oo xanuun keena, xanuunkaasna wuxuu mararka qaar la mid noqon karaa sciatica.

Cudurada Misikaha (Hip Pathologies): Sida cudurka lafta infakshanka ku dhaca miskaha (hip osteoarthritis) oo mararka qaar la mid noqon kara sciatica.

Dhiig-yaraan ku dhacda lugaha (Peripheral Neuropathy): Waxaa keena cudurrada sida macaanka (diabetes), xanuunku wuxuu si siman u gudbaa labada lugood.

Xanuunka xididdada dhiigga (Vascular Claudication): Xididdada dhiigga oo ciriiri noqda ayaa sababi kara xanuun ku dhaca lugaha marka la socdo.

Xaalado Khatar ah: Sida cudurka cauda equina syndrome (jilbaha oo dareen la’aan noqda), calaamdaha waxaa ka mid ah: xanuun habeenkii ah, qandho, ama in uu qofka xakameen waayo saxarada ama kaadida.

Calaamada Dhabar iyo lugo (Sciatica) xanuunka waa:


1. Dhabara xanuun:

  • Xanuunkaas oo aad ka dareentid wareega suunka surwaalka, ama macawiista laga guntado. inta badan bidix ama midig mid ayuu u badanyahay 
  • Xanuunkaas waxa uu ku faafaa barida, cajirka, kubka ilaa faraha kaas oo lugta oo dhan is qabsata, socodkana ku dhibo oo markasta oo aad socoto aad u baahato in aad fadhiisato.

2. Tabardaro :

  • Tabardaro aad ka dareentid lug ama labada lugba siiba cagta hoose, mar marka qaarna ay ku dhibta in aad kabaha gishato. 

3. KABAABYO:

  • Kabaabyo ama dareenka uu ku yaraado lugaha. 

4. Kuleyl:

  • Kulayl ama hur aad ka dareentid lugaha. 





















AI ayaa lagu sameeyay sawirka

Baaritaannada La Adeegsado Si Loo xaqiijiyo Xanuunka


1. Raajada: CT Scan ama MRI:

  • MRI waa baaritaanka ugu saxda badan ee muujin kara cadaadiska xididka dareemaha.
  • Haddii MRI aan la samayn karin (sida qofka leh , xabad ama firir ku jira jirkiisa,  ama qaliin jirkiisa biro lagu galiyay ay jiraan ama wadnaha ugu jiro pacemaker), CT Scan ayaa la adeegsadaa.

2. CT Myelography:

  • CT + cirbad lagu duro xangulaha laf-dhabarka si loo arko cidhibta dareemaha (nerve root compression).

3. Baaritaanka Dareemaha (EMG/NCS):

  • Looguma baahna qof walba.
  • Waxaa la isticmaalaa marka calaamadaha aan la hubin, si loo caddeeyo in murqaha iyo dareemaha ay kala go'een.

4. Baaritaanno Dhiig (ESR, CRP):

  • Loogu talagalay haddii lagu tuhmo caabuq ama infekshan.

Daaweynta Xanuunada Dhabarka iyo Lugaha (Sciatica)


Daaweyn Qaliinka looga maarmo  (Conservative Management):

  • Jimicsi fudud iyo socod joogto ah oo aan xanuunka kordhin.
  • Isticmaalka baraf ama kulayl la saaro meesha dikaameesa si loogu yareeyo xanuunka.
  • In la iska ilaalsho oo aan la seexan muddo dheer ama la fadhiisan.

Daawooyinka Xanuun-dilaha (Pain Medication):

  • NSAIDs (sida ibuprofen) ama acetaminophen.
  • Murqaha nasiyeyaasha haddii murqo xanuun jiro.
  • Gabapentin/Pregabalin: Waxaa mararka qaar loo isticmaalaa xanuunka dareemaha – tijaabooyin la smaeeyaya ayaa muujiyay faa’iidooyinka ay leeyihiin.

Daaweyn Kordhineysa Dhaqdhaqaaqa:

  • La-talin ku saabsan sida loo hagaajiyo fadhiga iyo socodka (ergonomics).
  • Ka fogaanshaha qaadista culayska ama dhaqaaqyada is dirqiska ah ee  xanuunka kordhiya.

Cirbadaha Cortisone (Epidural Steroid Injections):

  • Waxay yareeyaan bararka waxeyn ku siinaayaan nasasho ku-meel gaar ah, gaar ahaan bilaha hore ee xanuunka.

Qalliin (Surgical Intervention):

  • Loo sameeyo dadka leh:
    • Dareemayaal daciifay.
    • Xanuun joogto ah oo aan karayn daaweynta caadiga ah.
  • Noocyada qalliin:
    • Microdiscectomy: Ka saarista carjawda saxanka soo baxay.
    • Laminectomy: Ballaarinta marinka dareemaha.

Goormee Ayey Tahay In Aad La Xiriirto Dhakhtar?


Haddii aad dareento:

  • Cag ama lug tabarteeda daciif tahay.
  • Saxaro ama kaadi aad xakameen la’dahay.
  • Qandho iyo miisaan lumis aan la sharixi karin.
  • Xanuun daran oo aan ku deeneenin xitaa hadii aad istimaasho dawooyinka caadiga ah ee xanuun baa'biyaasha ah.

Gunaanad


Inkastoo xanuunka dhabar iyo lugaha (sciatica) uu keeni karo walaac iyo xanuun aad u daran, dadka intooda badan waxay ku caafimaadaan 6–12 toddobaad gudahood iyagoo helaya daaweyn ay farmashiayaha ay ka qaataan. Waxaase muhiim in la helo baaritaan sax ah iyo daaweyn ku habboon xanuunka si looga hortago dhibaatooyin sii daba dheeraada.