Hab caafimaad oo looga hortagaayo caabuqa ama fashfashka.
Waa habka ama howsha loo isticmaalo Caabuq-baabi’iyaha (Antiseptic) si looga saaro ama loo yareeyo jeermisyada waxyeellada leh ee ku nool unugyada nool (sida maqaarka ama dhaawaca) si looga hortago caabuqa.
Farqiga u dhaxeeya:
Ka-hortagga-caabuqa (Antisepsis) iyo Nadiifin-dhammeystiran (Sterilization):

Antisepsis – Ka-hortagga-caabuqa
Muxuu yahay: Waa habka loo isticmaalo Caabuq-baabi’iyaha (Antiseptics) si loo yareeyo ama looga saaro jeermisyada waxyeellada leh ee ku nool unugyada nool (maqaarka, dhaawaca).
Yoo dilaa ama baabi'iyaa: Kaliya unugyada nool, sida maqaarka ama xuubabka.
Ujeedada: Ka hortagga caabuqa inta lagu jiro qalliimada ama dhaawac jiro.
Tusaale: Isticmaalka alcohol, iodine, ama chlorhexidine kahor qalliinka ama dhayida.

Sterilization – Nadiifin-dhammeystiran
Muxuu yahay : waa habka lagu dilo ama lagu tirtiro dhammaan noocyada noolaha (jeermisyada, fayrasyada, fungal spores) ee ah shay aan noolayn.
Intee lagu nadiifiyaa: Shay aan noolayn, sida qalabka qalliinka, suufka, iyo tuubooyinka.
Ujeedada: Ka dhigista qalabka caafimaad mid gebi ahaanba nadiif ah oo aan khatar ku ahayn caabuqa.
Tusaale: Isticmaalka autoclave kulayl sare leh, ama kiimikooyin gaar ah.
Ka-hortagga-caabuqa -- Antisepsis